Guud ahaan heesaha aan maanta naqaano ee Af Soomaaliga lagu qaado waxay soo bilaabmeen 1930meeyihii. Taas macnaheedu ma ahan in dadka Soomaalida heesta aqoonin wixii ka horeeyay 1930kii, laakiin Waxaa wakhtigan bilaabmey heesaha leh muusiga, kabanka, durmaanka, turunbada iyo wixii la mid ah.
Heesaha la qaadi jiray ka soo biloow 1930meeyihii ilaa laga soo gaadho 1970kii waxaa sida guud loo yaqaanaa qaraami, halka kuwa wakhtiyadii 70aadki ka dambeyay isla markaana kaban loo garaacayo loo yaqaano qaaci.